Kulan soo dhawayn iyo is barasho ah oo loo qabtay Shaqaalaha iiyo Gudoomiyaha Cusub ee G.Q.Q

kulan balaadhan oo uu soo agaasimay Agaasimaha guud ee G.Q.Q ujeedkiisuna ahaa kusoo dhawaynta xafiiska iyo is barasho Shaqaalaha iyo Gudoomiye Maxamed Cabdilaahi Guuleed ayaa saaka ka qabsoomay Xafiiska Guud ee Gudidda Qandaraasyada qaranka. ugu horayn waxaa kulanka furay agaasimaha guud isagoo si balaadhan ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub xafiiska isla mar ahaantaana xog fiican ka siiyay xafiiska iyo shaqada balaadhan ee ka socota iyo halka hawsha gudidda qandaraasyadu qaranku marayso. waxa sido kale halkaa ka hadlay qaar ka mid ah Agaasime waaxeedka gudidda qandraasyada qaranka oo ugu horeeyo Agaasimaha waaxda Cududa shaqaalaha Guuleed Axmed Xuseen oo gudoomiyaha siiyay xogta shaqaalaha waxa isna halkaa ka hadlay soona dhaweeyay gudoomiyaha cusub Agaasimaha waaxda ICT Maxamed Muuse Muxumed, Shaqale waynaha G.Q.Q ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha xafiiska ugu dambayn waxa kulanka soo xidhay Gudoomiye Maxamed Cabdilaahi Guuleed oo si balaadhan ugu mahad naqay Agaasimaha Guud iyo shaqaale waynaha G.Q.Q isla jeerkaana hadal dhiiri galin iyo dardaaran u jeediyay shaqaale waynaha xafiiska 

kulanku waxa uu kusoo dhammaaday jawi farxadeed. 



@Xafiiska warbaahinta iyo is gaadhsiinta 
Gudidda Qandaraasyada Qaranka