Maalintii saddexaaad iyo kulamo muhiim ah

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaan maalintii saddexaad kulamo muhiim ah la yeeshay Xafiiska Xarunta Xalinta Khilaafaadka iyo cabashooyinka la xidhiidha Qandaraasyada xafiisyada dawladda ee dalka Uganda. 
 
Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa sidoo kale la kulmay maamulka iyo madaxda labada xafiis oo uu ka mid yahay xafiiska e-government Procurement Office oo ah xafiiska hirgeliyey Qandaraas bixinta ee dhanka online ka oo hadda sannadkii labaad tijaabadda ku jira. 
 
Labadan xafiis ayaa Guddoomiyaha iyo waftigiisa uga warbixiyay shaqada muhiimka ah ee u hayaan dalkooda. Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa warbixinaha kaddib, labada xafiis siiyey warbixino la xidhiidha hannaanka Qandaraas bixinta ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo shaqada Guddida Qandaraasyada Qaranka ay u hayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland.