
Shir Jaraaid
Hargeisa [27-08-2025]Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdo Axmed Aayir ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo ku faahfaahiyay kuna adkeeyay wareegtadii
madaxweynaha JSL soo saaray ee la xidhiidhay in dhamaan mashaariicda laga maalgeliyo khasnada dawlada, deeqaha caalamiga ah, iyo bangiyada caalamiga ah si rasmi ah loo
soo geeyay Guddida Qandaraasyada Qaranka.