Tababarka Habraacyada iyo Xeernidaamiyayaasha Qandaraasyada Qaranka, Maanta waxa uu Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed uu u furay Agaasime Waaxeedyada Hay’ad

Tababarka Habraacyada iyo Xeernidaamiyayaasha Qandaraasyada Qaranka,
Maanta waxa uu Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed uu u furay Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Guddida Qandaraasyada Qaranka wajigii 1aad ee tababarada Habraacyada iyo Xeernidaamiyayaasha Qandaraasyada Qaranka ama “Public Procurement Regulations” kuwaas oo uu xafiisku dhawaan dhaqan geliyay.
Tababarkan ayaa wajigiisa 1aad la siin doonnaa Agaasime Waaxeedyada Guddida Qandaraasyada Qaranka halka wajiga ku xiga la siin doonno 6 Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha Dawladda.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii Agaasime Waaxeedyada iyo Faracyada Qandaraasyada ee Wasaaradduhu u baran lahaayeen una dhaqan gelin lahaayeen habraacyada iyo xeernidaamiyayaasha Qandaraasyada Qaranka.
Allaa Mahad Leh,

Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka