Tacsi

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka isaga oo ku hadlaya afka Xubnaha Guddida, Ku-simaha Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan shaqaaleweynaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland geerida ku timid Alle ha u naxariisto ee, Guddoomiye kuxigeenkii Guddida Qandaraasyada Qaranka Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday dalka Turkey-ga 7-dii December 2021, oo uu in muddo ah u joogay arrimo caafimaad.
Guddoomiyuhu, waxa uu marxuumka ku sifeeyey, Haldoor iyo Waxgarad door muuqda ka soo qaatay dib-u-dhiskii iyo nabadeyntii dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Marxuunku waxa uu ahaa muwaadin tacab iyo wax badan geliyay qaranimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa Guddoomiyuhu marxuumka Illaahay uga baryay in uu Jannada ta u sarreysa ku irsaaqo, samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisii iyo dhammaan shacabweynaha reer Somaliland ee uu ka baxay.




Xafiiska Xidhiidhka iyo Isgaadhsiinta
Hargeisa Somaliland