uddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta Dhagax dhigay Mashruuca Dhismaha Library-ga Maxakamada Hargeysa

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta Dhagax dhigay Mashruuca Dhismaha Library-ga Maxakamada Hargeysa. Mashruucan ayaa ka mid ah Afar Mashruuc oo ay bixisay Hay’adda Qandaraasyada Qaranku, waxaa maalgelinaya Midowga Yurub iyo Sweden.
Goobta oo ay si Wadajir ah u joogeen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Guddoomiye kuxigeenka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Saraakiil ka socday UNDP, Guddoomiye kuxigeenka Maxakamada Sare, Shirkadii Qandaraaska ku guuleysatay, waxaa erayo kooban ka jeediyey Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ku dheeraaday muhiimadda mashruuca, erayo dardaaran ah na u jeediyey shirkaddii ku guulaysatay mashruuca.
Guddoomiyuhu wuxuu u mahadnaqay dhammaan cid kasta oo kala soo qayb qaadatay fulinta mashruuca oo ay ugu horreeyaan Hay’adda UNDP, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Hawlaha Guud, Deeqbixiyayaasha Midowga Yurub iyo Sweden, Maxakamadda Sare iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.
Waxaa iyana goobta ka hadlay dhammaan madaxdii ka soo qaybgashay xaflada dhagax dhiga mashruuca dhismaha Library-ga Maxakamada Sare oo sheegay ahmiyada mashruucu u leeyahay Qaranka.
--
Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka,