
Ujeedo: Baahin Qandaraas iib Qalab
Hargeysa[23-09-2025] Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, oo maraysa Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxay si kalsooni leh ugu baahinayaan dhamaan qandaraaslayaasha u-qalma inay soo xaraystaan Qandaraaska Qalabka loo iibinayo wasaarada kaluumaysiga iyo dayactirka qaboojiyayaasha wasaarada kalluumaysiga, mashruucani wuxu ka mid yahay mashaariicda laga fulinaayo miisaaniyada Qaranka.mashruucu wuxu ku saabsan yahay iibsiga qalab loo iibinayo wasaarada kalluumaysiga iyo dayactirka qaboojiyayaasha wasaarada kalluumaysiga. shaqada waxa lagu fulinayaa si waafaqsan shuruucda u degsan iibsiga alaabta sida faahfaahinta alaabta iyo shuruucaha farsamo ee kale.