Ujeedo: Furitaanka hal mashruuc
Hargeyse [22-sept-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay warbaahinta kala duwan ee dalka.mashruucaas oo ahaa qandaraas dhisme sub base-ka wadada baligubadle.
mashruucan waxa kuso tartamay 12 shirkadood, furitaanka mashruuca oo ay kaso qayb galeen Gudoomiyaha G.Q.Q, xubnaha Guddida iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyda Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkadaha u so tartamay mashruuca dhismaha wadada baligubadle. sido kale u sheegay in go'aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonom maalinta sabtida 09-27-2025.
alla mahad leh xafiiska xidhidhkas bulshada iyo waqbaahinta GQQ.