
War Saxaafadeed
Hargeisa[28-08-2025] Shirka Gudida Qandaraasyada QarankaMaanta oo Khamiis ah waxa ka qabsoomay Xafiiska Gudida Qandaraasyada Qaranka fadhigii labaad ee shirarka bilaha ah ee xubnaha Gudida Qandaraasyada Qaranka iyo Xoghayaha ahna Agaasimaha Guud ee Xafiiska Gudida Qandaraasyada Qaranka.
Shirkaasi oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Ahmed Ayir, ayaa looga dooday qodobo muhiim ah oo la xidhiidha hawlaha iyo waajibaadka Gudida.
Qodobadii Lagaga Wada Hadlay Fadhiga
1. Dardargelinta Hawlaha Xafiiska
Fadhiga maanta waxa si qoto dheer loogu lafa guray hab-sami u socodka hawlaha xafiiska. Agaasimaha Guud ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay warbixin, waxaana la isla qaatay in la dardargeliyo hawlaha si uu xafiisku ugu adeego guud ahaan Qaranka una gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
2. Hirgelinta Wareegtadii Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha (10/8/2025)
Gudidu waxay si buuxda isula qaateen in si toos ah loo dhaqan-geliyo wareegtadaas, isla markaana cid kasta oo ay khusayso la gaadhsiiyo nuqulkeeda, lana dhaqan-geliyo si waafaqsan.
3. Xogsiinta Dhammaan Xafiisyada Dawliga ah
Gudida Qandaraasyada Qaranka waxay si weyn uga doodeen habka qandaraas-bixinta qaranka ee qalloocatay, taas oo ay badiba sameeyaan hay’adaha dawladda, iyagoo heshiisyo sharci-darro ah kula gala shirkado, kadibna ay xafiiska GQQ uga soo dalbadaan warqad ay ugu yeedhaan “Xalaalayn”.
Gudidu waxay si cad u go’aamisay in:
Mar dambe aan xafiiska GQQ lagaga soo talo gelin warqad “Xalaalayn” ah.
Hay’ad kasta oo ay wada shaqayn ka dhaxayso Gudida Qandaraasyada Qaranku ay ku dhaqanto xeerarka iyo shuruucda Qaranka.
---
ALLAA MAHAD LEH
Xoghayaha GQQ
Ahna Agaasimaha Guud ee GQQ
Abdirahman Boodhle