Waxaa xalay kulan casho la qaatay xubnaha ciyaartooydii ku ciyaaraysay magaca Guddida Qandaraasyada Qaranka ee gobolka Togdheer Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Iskudawaha Guddida Qandaraasyada Qaranka

Waxaa xalay kulan casho la qaatay xubnaha ciyaartooydii ku ciyaaraysay magaca Guddida Qandaraasyada Qaranka ee gobolka Togdheer Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Iskudawaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee gobolka Togdheer.
Kulanka ayaa daarnaa dhiirigelin iyo in Guddida Qandaraasyada Qaranka ay kulan xog waraysi ah la yeelato kooxda oo si aad u heer sarreysa hoggaanka u haysay intii badnayd ee wareegu socday bal se nasiibku ka hiiliyay ciyaartii u danbeysay.
Kooxda ayaa u mahadnaqday masuuliyiinta Guddida Qandaraasyada Qaranka ee kala qayb galay kulanka. Kooxda ayaa sidoo kale u mahadcelisay masuuliyiinta Xafiiska ee heer qaran ee uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed. Waxa ay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen sidii uu garab taagnaa intii wareegu socday.
Allaa Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta