Weftiga reer Somaliland ee ku sugan dalka Ghana ayaa maanta la kulmay Xafiiska Tababarka Shaqaalaha iyo Hay’adda Shaqaalaha ee Dalka Ghana. Madaxda Dawladda iyo Hay’adda Somaliland ayaa warbixino ka

Weftiga reer Somaliland ee ku sugan dalka Ghana ayaa maanta la kulmay Xafiiska Tababarka Shaqaalaha iyo Hay’adda Shaqaalaha ee Dalka Ghana.
Madaxda Dawladda iyo Hay’adda Somaliland ayaa warbixino ka dhageystay madaxda Hay’adda Shaqaalaha ee Ghana iyo Maxadka Tababarka ee Ghana. Weftiga ayaa uga mahadnaqay soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo warbixinaha ay siiyeen. Weftiga ayaa su’aalo iyo dood la xidiidha shaqada ay qarankooda u qabtaan iyo isbedelada horumarineed ee ka socda Xafiisyada Hay’adda Shaqaalaha iyo Maxadka Tababarka weydiiyey madaxda Hay’addaha Shaqaalaha iyo Maxadka Tababarka ee Ghana.
Kulamadan waxa ay ka mid yihiin kulamo dhawr ah oo ay Weftigu la qaadan doonnaan dhigooda dalka Ghana, si ay iskaga kaashadaan horumarka dhanka adeeg bixinta dawladdaha Somaliland iyo Ghana.
Weftiga Somaliland ee ku sugan Ghana ayaa sidoo kale saaka fursad u helay in ay la kulmaan Professor Stephen Ardie, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka Ghana, aad na loo ga yaqaan galbeedka Africa. Masuuliyiinta ayaa Professor ka weydiiyey su’aalo la xidhiidha Hoggaaminta iyo Isbedelada dhanka horumarinta Hay’addaha Dawladda.

Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka