Xilwareejin, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Agaasimahii horre ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil iyo Maxamed Cabdill

Xilwareejin,
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Agaasimahii horre ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil iyo Maxamed Cabdillaahi Cabdiraxmaan (Caynab).
Munaasibadda xilwareejinta oo ay ka soo qayb galeen madax badan oo xukuumadda ka tirsan oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha, Guddoomiye Kuxigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha, Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga, Madaxda ugu sarreysa Maxakamadda Ciidamada Qaranka, Xildhibaanno, Guddoomiyaha gobolka Badhan, Madax Dhaqmeed, Isimo, iyo Salaadiin.
Munaasibadda oo ay erayo kooban ka jeediyeen dhammaan madaxda kala duwan ee qaranka ayaa erayo amaan iyo mahadnaq loo ga jeediyey Agaasimihii horre ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil. Mudane Cabdiraxmaan oo intii uu joogay Hay’adda ay u qabsoomeen shaqooyin farabadan oo muhiim ah qaranka ayaa madaxdii kala duwanayd ee ka soo qaybgalay Xafladda iyo Shaqaalaha ba uga mahadceliyey amaanta iyo shaqadii uu u igmaday Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa is na erayo duco, soo dhaweyn, iyo dardaaran isku gu jira lagu soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee cusub ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Cabdiraxmaan oo la ga soo bedelay Wasaaradda Gaashaandhiga. Mudane Caynab ayaa u mahadnaqay dadweynaha ka soo qayb galay iyo Madaxweynaha masuuliyadda iyo shaqada cusub ee uu u igmaday.

Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka