Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa maanta tababar Saddex cisho soconaya ugu furay magaalada Hargeysa shaqaale ka socda Faracyada Iibka (Procurement Units) ee

Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa maanta tababar Saddex cisho soconaya ugu furay magaalada Hargeysa shaqaale ka socda Faracyada Iibka (Procurement Units) ee Wasaaraddaha, Hay’addaha iyo Ciidamada Qaranka.
Tababarkan oo ku saabsan “Nidaamka Qandaraas Bixinta Qaranka iyo Isticmaalka Adeega Maamulka Xogta iyo Maaliyadda ee Somaliland Financial Management Information System” waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire.
Tababarka ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimayaasha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta JSL.
Masuuliyiinta ayaa u mahadcelisay shaqaalaha ka soo qayb galay una ku dardaaray in ay ka faa’idaystaan tababarka.