Ku simaha gudoomiyaha ahma gudoomiye ku xigeenka oo ay waheliyaan xubnaha gudida iyo agaasiamah waaxda kormeerka ayaa..

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdi Casiis Maxamed Xaashi Ahna Kusimaha Gudoomiyaha , Agaasimaha Waaxda Kormeerka Mashaariicda iyo Xubnaha Gudidda Qandaraasyada ayaa maanta gobolka Maroodijeex Gaar ahaan magaalada Hargaysa ka bilaabay kormeerka mashaariicda horumarineed ee ka socda.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa ugu horayn kulan xog is wareysi ah la qaatay Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Mudane Abdikarim Axmed Xinif, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Gelinta Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska oo ka warbixiyay ujeedadda koormeerkoodu yahay u kuurgalka mashaariicda kala Duwan ee Ka Socda Dhamaan Saddexdaa Xafiis ee Kala Duwan. 
 
Guddoomiye ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Xubnaha Guddida Qandaraasyada ayaa Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha , Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, Wasiir Ku Xigeenka ahna Ku Simaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi ayaa si wadajir ah kormeer ugu sameeyey Sadex Mashruuc oo ka mid ah mashaariicda ka socota Magaalada Hargeisa Ee Loo Dhisayo Wasaaradahaas Iyo Hay'adaahas Kor Ku Xusan Waana Kuwan Mashaariicda kala Duwan. 
 
⦿ Mashruuca Dhismaha Xafiiska Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakayaacasha Qaranka oo dhammaad ku dhow si wanaagsana hawshiisu u socoto. 
 
⦿ Mashruuca Dhismaha Dib u habaynta Istuudyaasha kala duwan ee Radio Hargeysa Iyo Telefeshinka Qaranka Oo Iyana Meel Fiican Maraya. 
 
⦿ Dhismaha Mashruuca Xarunta Akhriska (Libraryga) Magaalada Hargeysa. 
 
Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo dhamaan Masuuliyiinta Kala duwan ayaa gebogebadii kormeerka mashaariicda magaalada Hargeysa ayaa warbixin ku saabsan kormeerka siiyay Warbaahinta Qaranka.
Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa fariin u diray Dhammaan Qandaraaslayda dalka kuna adkeeyey in ay warbixinaha mashaariicda ay wadaan si dhow u la wadaagan maamulka kala Duwan ee ay Shaqada u hayaan si loo la socdo hawsha ay goboladda ka wadaan. 
 
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimada kormeerka iyo in ay u socdaan in la ogaado horumarka iyo fulinta mashaariicda Xukuumaddu ka fulinayso gobolka si loo hubiyo tayada mashaariicda iyo in ay u fuleen sidii loogu talagay.