
Kulanka Xubnaha Guddida Qandarasyada Qaranka iyo Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada JSL
Hargeysa –[31 August 2025] Xubnaha Guddida Qandarasyada Qaranka Ayaa maanta shir muhiima la yeeshay Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland kaas oo ka qabsoomay Xafiiska Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.Kulankan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Maxamed Jaamac Liibaan, ayna ku wehelinayeen xubnaha guddida, waxaana ujeeddadiisu ahayd in lagu hubiyo lana qiimeeyo xilka iyo waajibaadka loo igmaday Komishanka cusub ee Qandaraasyada Qaranka.
Intii kulanku socday, xubnaha guddidu waxay Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka uga jawaabeen su’aalo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadooda iyo qorshayaasha mustaqbalka dhow fulin doonan, iyagoo dhammaan su’aalihii si hufan oo faahfaahsan uga jawaabay. Guddida ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey himilooyinka iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee hay’addu ku shaqayn doonto.
Gabogabadii Guddidu waxay ku adkayeen inay waajibaadkooda u gudan doonan si masuuliyad leh, hufan, isla markaana sharciga waafaqsan.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Guddida Qadaraasyada Qaranka JSL
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.05 (1)View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.09 (1)View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.07 (2)View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.07 (1)View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.07View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.06 (1)View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.05View
-
WhatsApp Image 20250901 at 09.21.03View